Districts, Schools and Educators

Qorshaha Waxbarasho ee Ammaanka ah ee Loogu Talagalay Sannad Dugsiyeedka 2020-21

Iskuulada dadweynaha ee Minnesota ayaa waxay raacayaan tilmaamaha ku jira Qorshaha Waxbarasho ee Ammaanka ah ee Minnesota si loo sii wado waxbarista ardayda iyo in bulshada lagu ilaaliyo in ay caafimaad qabaan inta lagu jiro aafada cudurka COVID-19. Qorshaha Waxbarasho ee Ammaanka ah ee Minnesota waxaa loo sameeyay codsi ka yimid Gudoomiye Tim Walz iyo Gudoomiye ku Xigeen Peggy Flanagan oo ay soo diyaariyeen Waaxda Waxbarashada ee Minnesota (MDE) iyo Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (MDH).

Taas natiijadii kasoo baxday, Qorshaha Waxbarasho ee Ammaanka ah ee Minnesota ayaa hadda wuxuu u oggolaanayaa dhammaan iskuuladu inay bixiyaan isku-dhaf ama shaqsi ahaan u imaanshaha waxbarashada dhammaan ardayda illaa iyo inta iskuuladu ay qaadayaan tallaabooyin looga hortagayo faafitaanka COVID-19. Iskuul kastaa wuxuu yeelan doonaa qorshe uu ku ilaaliyo ammaanka barayaasha, shaqaalaha, ardayda iyo qoysaska iyadoo la bixinayo waxbarasho isku dhaf ah ama shaqsi ahaan loo imaanayo. Iskuulada waxaa laga filayaa inay qorshayaashooda si toos ah ugu wargeliyaan bulshooyinka iskuulkooda. Qorshayaasha waa in la tarjumo oo lagu gudbiyo afaf qoraal iyo hadal ah iyada oo lagu salaynayo baahida bulsho kasta.

Sida uu qabo Qorshaha Waxbarasho ee Ammaanka ah ee Minnesota, dhammaan iskuulada dadweynaha waxaa laga filayaa in:

  • Ardayda in ay isugu geeyaan kooxo tiro yar oo wada jooga intii suurtagal ah inta lagu jiro maalinta iskuulka.
  • In looga baahanyahay ardayda inay ku xirtaan maro wejiga maalintii oo dhan, oo ay ku jirto xilliga ay ku jiraan fasalka jimicsiga.
  • In la siiyo dhammaan shaqaalaha iskuulka marada wejiga lagu daboolo iyo gaashaanka wajiga.
  • In laga codsado dhammaan shaqaalaha iskuulka inay xirtaan maro wejiga lagu daboolo.
  • In mudnaanta la siiyo shaqaalaha iskuulka ka baaritaanka COVID-19 toddobaad-dhaaf kasta.
  • In la nadiifiyo dhismaha maalin kasta oo si joogto ahna loo nadiifiyo dusha sare ee meelaha taabashadu ku badantahay maalintii oo dhan.
  • In la xaddido soo booqdayaasha aan muhiimka ahayn, oo ay ku jiraan mutadawiciintu.
  • In lala socdo jirrada shaqaalaha iyo ardayda.
  • In guriga loo diro shaqaalaha iyo ardayda marka ay muujinayaan astaamaha COVID-19.
  • In ay ka hor tagaan isu imaatinada waaweyn.
  • In ay raacaan tilmaamaha MDH ee kala fogaanshaha jir ahaan:
  • Loogu talagalay waxbarashada carruurnimada hore iyo iskuulada hoose oo keliya: Saddex fiid oo kala fogaansho ah ama ka badan in ay u dhaxyso ardayda ayaa si adag loogu talinayaa.
  • Loogu talagalay dugsiyada dhexe iyo sare oo keliya: Ardaydu waa inay isu jirsadaan kala fogaanshaha lix fiit oo masaafada jir ahaan ah maalinta iskuulka oo dhan markast oo ay suurogal tahay; marka kala fogaanshaha lixda fiid aan la samayn karin, ugu yaraan saddex fiit oo masaafada jireed ah waa in ay u dhaxayso ardayda.
  • Marka maclumaadka heer-degmo ay hoos ugu dhacdo heer tilmaamaya in qof ahaan u imaanshaha loo sameeyo ardayda oo dhan (qiyaasta u dhiganta heerka 0 in illaa wax ka yar 10 kiis ee heerka kiisaska 14-maalmood 10,000 qofba), iskuulada loogama baahnaan doono inay buuxiyaan wax shuruudo u gaar ah xaddiga ugu yar ee masaafada kala fogaanshaha jireed ee u dhaxeeya ardayda fasalka dhexdiisa. Si kastaba ha noqotee, iskuuladu waa inay sii wadaan abuurista iyo dhiirrigelinta sida ugu badan ee ay u kala fogaan karaan ardaydu inta lagu jiro maalinta.

Laga bilaabo Janaayo 18, 2021, dhammaan iskuulada hoose ee ku yaalla gobolka oo dhan waxay dooran karaa in ay ku shaqeeyaan nooca habka waxbarashada qof ahaan loo imaanayo illaa inta ay raacayaan tilmaamaha kor ku xusan si bulshada caafimaadkeeda loo ilaaliyo.

Laga bilaabo Febraayo 22, 2021, dhammaan iskuulada dhexe iyo iskuulada sare ee ku yaalla gobolka oo dhan waxay dooran karaa in ay ku shaqeeyaan nooca habka waxbarashada qof ahaan loo imaanayo illaa inta ay raacayaan tilmaamaha kor ku xusan si bulshada caafimaadkeeda loo ilaaliyo.

Dhammaan iskuulada dadweynuhu waa inay sii wadaan inay siiyaan ikhtiyaarka wax ku barashada masaafada ardayda dooratay inay sii wadaan inay wax ku bartaan meel ka baxsan fasalladooda sababo la xiriira aafada cudurka inta lagu jiro sannad dugsiyeedka 2020-21.

Noocii ugu horreeyay ee Qorshaha Waxbarasho ee Ammaanka ah ee Minnesota ee la soo saaray bishii Luulyo 2020, Guddoomiyaha Gobolka Walz wuxuu ka codsaday degmooyinka iskuulada iyo iskuulada charter-ka ah inay u diyaar garoobaan xaalad kasta oo soo bixi karta inta lagu guda jiro aafada cudurka COVID-19. MDE waxay fartay iskuulada inay diyaariyaan sadex nooc oo habka waxbarashada ah:

  • Xaalada 1aad: Qof ahaan u imaanshaha waxbarashada ardayda oo dhan
  • Xaalada 2aad: Waxbarashada isku dhaf ah oo ay la socoto kala fogaanshaha bulshada iyo xadidaada muga.
  • Xaalada 3aad: Masaada keli ah wax ku barashada

Intaas waxaa sii dheer, Guddoomiye Walz wuxuu $430 milyan u diyaariyey degmooyinka iyo iskuulada charter-ka si looga caawiyo inay u diyaargaroobaan sannad dugsiyeedka 2020-21. Lacagtan waxaa loo isticmaali karaa in lagu daboolo kharashyada hawlgalka (tusaale, nadiifinta iyo agabka baaritaanka, tikniyoolajiyadda, Wi-Fi, iyo taageerooyinka caafimaadka maskaxda) iyo taageerada lagu kobcinayo ardayda, qoyska, iyo taageerada baraha, sida tababarka dijitaalka, kaalmeeyeyaashe (tutors), adeegyada turjumaada, iyo horumarinta xirfadeed.

Akhriso Hagaha Qoyska ee Qorshaha Waxbarasho ee Ammaanka ah ee Minnesota ee Sanad dugsiyeedka 2020-21 (PDF).

Faallada Dadweynaha ee Maalgelinta Qorshaha Samatabixinta Maraykanka

Bishii Maarso 11, 2021, Sharciga Samatabbixinta Mareykanka (ARP) ee 2021 waxaa laga soo saaray sharci ay ka mid yihiin $1.3 bilyan oo loogu talagalay waxbarashada E-12 ee Minnesota si looga caawiyo iskuullada ku laabashada, iyo joogteynta, badbaadada shaqsi ahaaneed ee ardayda oo dhan. Marka loo eego sharciga federaalka, 90% ka mid ah lacagtan waxaa loo qoondeeyay degmooyin iskuulo iyocharter-ka u qalma. 9.5% ka mid ah miisaaniyadan waxaa loogu talagalay adeegsiga dabacsan ee hay’adaha  waxbarashada ee gobol kasta si loo abuuro qorshe lagu daboolayo baahiyaha ardayda. Natiijo ahaan, waxaan codsanaynaa rayi celin iyo talo ku saabsan sida 9.5% loo isticmaali karo.

Xilliga faallooyinka dadweynuhu waxay dhammaanaysaa 4 p.m. Talaadada, Juun 1.

Guriga Joog Kolka aad Jiran Tahay

Akhbaar ah ee ku saabsan cudurka COVID-19 waxaa laga heli kartaa shabakada (website) Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (Minnesota Department of Health).

Geedka Go’aanka ee dadka qaba COVID-19 ee Dugsiyada, Dhallinyarada, iyo barnaamijyada daryeelka carruurta (PDF)

Ka Baarida Dhareerka Ardayda Minnesota Cudurka COVID-19

Dhamaan ardayda iyo qoysaskooda oo dhan waxaa lagu dhiiri-galinayaa inay qaataan iska baarida cudurka COVID-19 ee lacag la’aanta ah labadii asbuuc ee kasta si ay uga hor-tagaan faafida fayriska. Cid walba ayaa qabi karta cudurka COVID-19 ka iyagoon ogayn. Iska baaridu waa sida ugu fiican ee lagu ogaan karo inaad caafimaad qabto iyo in kale aadna noogu ogolaan karto anaga inaan sii wadno inaad fidino waxbarasho wax la barto iyadoo xaadir la wada yahay iyo fursado xarakaad oo ka baxsan manhajka tacliinta, gaar ahaan maadaama hadda ay sii kordhayso ku faafida fayriska ka duwan kuwa kale gobolkeena.

Mar hadii aysan ardaydu lahayn astaamo cudur aysana aad ugu dhawaan qof qaba cudurka COVID-19, uma baahna in la faquuqo inta ay sugayaan natiijoooyinka baaritaanku inay soo noqdaan.

Gobolka Minnesota (State of Minnesota) waxa uu siiyey aaladaha dhareerka looga baaro cudurka COVID-19 mid walba oo ka mid ah dugsiyada dhexe, dugsiyada sare iyo kooxaha ciyaaraha abaabulan isagoo gobolku uu kaashanayo hay’ada (Vault Health). Ardaydu waxay kaloo iminka awoodaan inay Aaladooda Vault ee guri-isku -baarida ay dib ugu soo diraan shaybaarka iyagoo soo maraya dugsiyadooda.

Hadii ardaydu ay jiran yihiin, waa inay ka helaan isbaarid Mid ka mid ah rugaha bulshada ee isbaarida bilaashka ah ee Minnesota ama bixiyaha daryeeladooda caafimaad.

Haddii aysan awoodin inay tagaan rugahayaga iska baarida cudurka COVID-19, waxaa jira waxyaabo kale oo la dooran karo si bilaash la isugu baaro. Qoysasku waxay booqan karaan mid ka mid ah rugaha bulshada ee isbaarida bilaashka ah bixiya, ama waxay iska baari karaan rug daryeel-bixiye ama waxa ay dalban karaan aalada guriga la isaga baaro cudurka. Gargaarka dhanka afka ah oo iyadoo la wada joogo ah ama mid khadka ah ayaa laga heli karaa rugaha bilaashka la isku isbaaro ee bulshada ee Minnesota. Qaar ka mid ah rugaha isbaaridu sidoo kale waxay leeyihiin Xiriiriyeyaal Bulsho oo COVID ka ah si ay dadka uga gargaaraan habraaca baaritaanka.

Baaritaanka candhuufta COVID-19 ee Shaqaalaha Iskuulada Minnesota

Dhammaan iskuulada dadweynaha ee bixiya wax ku barashada shakhsi ahaan ama isku dhafka ah waa inay ku bixiyaan baaritaan goobta oo loo samaynayo dhammaan shaqaalaha la falgala ardayda. Tan waxaa ka mid ah macallimiinta, xirfadleyaasha, maamuleyaasha, shaqaalaha taageerada, shaqaalaha nafaqada, wadayaasha basaska iyo kuwo kale. Gobolka Minnesota ayaa bixinaya tababaro iyo xirmooyinka qalabka baaritaanka candhuufta si iskuuladu ay u qaadaan baaritaankan. Tababar iyo agab ayaa loo heli karaa iskuulada aan dawliga ahayn iyo kuwa qabaa'ilka ee ku shaqaynaya wax ku barashada shaqsi ahaan ama waxbarashada isku dhafka ah ee doonaya inay baaraan shaqaalahooda, sidoo kale. 

Tallaaladda COVID-19 ee Reer Minnesotaanka 12-jirka ah ama ka weyn

Dhamaan dadka reer Minnesotaanka ah ee 12-jirka ah ama ka weyn waxay xaq u leeyihiin inay helaan tallaal cudurka COVID ah oo bilaash ah. Isqor si aad balan u hesho adigoo isticmaalaya Iskuxiraha Tallalka Minnesota Covid-19 ama adigoo la xiriiriya farmashiye deegaankaaga ku yaal ama bixiye daryeel caafimaad.

Hadii aad qabto wax su’aalo ah oo ku saabsan Iskuxiraha Tallaalka ama aad u baahan gargaar dhanka luuqada ah, fadlan wac Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (Minnesota Department of Health) Khadkeeda Dadweynaha ee ah 1-833-431-2053.

Qiimaynta Waxbarashada ee Gobolka oo dhan

Ahmiyadda Waaxda Waxbarashada ee Minnesota (MDE) waa in la ilaaliyo caafimaadka iyo ammaanka ardayda iyo shaqaalaha inta lagu jiro imtixaanada gobolka oo dhan. Degmo iyo iskuul charter kasta waxay soo saareen taxaddarro caafimaad iyo ammaan oo maxalli u ah iyada oo lagu salaynayo macluumaadka ay bixiyaan MDE iyo Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (MDH).

Daryeelida Ilmaha Da’da Iskuulka (School-age Care)

Iskuulada ku sii jiraya wax ku barashada masaafadu waa inay sii wadaan daryeelka ay siinayaan caruurta da'da iskuulka ah ee shaqaalaha uu sheegay gudoomiyuhu inay yihiin "muhiim". Fadlan la xiriir iskuulka ilmahaaga si aad wax dheeraad ah uga ogaato daryeelka da'da iskuulka.

Cuntada Lacag La’aanta ah ee Caruurta (Free Meals for Kids App)

Ilmaha ka yar 18 sanno waxa ay ka heli karaan cunto lacag la’aan ah iskuuladda iyo rugaha bulshada ee Minnesota oo dhan. Waa aad heli kartaa goob cunto lacag la’aan ah bixinaysa hadii aad aab (app) lacag la’aan ah la soo baxdo (download) oo aad gashato telefankaaga (smartphone) casriga ah. Ka Baar “Free Meals for Kids” aabka (app) “Apple App Store” ama “Google Play Store” si aad ula soo baxdo (download). Aabku (app) waxa uu isticmaali doonaa meesha aad joogto si uu kuu tuso goobta ay tahay meesha kuugu dhow ee bixisa cunto iyo kolka ay furan tahay. Aabka (app) waxaa sameeyey Hay’ada (Hunger Impact Partners).

Akhbaarta Caafimaadka ee ku saabsan ACOVID-19 (ACOVID-19 Health Information)

Ka ogow wax badan oo ku saabsan cudurka COVID-19, liinking shabakada (website) Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (Minnesota Department of Health) ee hoos ku xusan:

Su'aalo ku saabsan Qorshaha Waxbarasho ee Ammaanka ah ee Minnesota

La xiriir iskuulkaaga
Hadii aad qabto su’aalo ama walaac ku saabsan ardaygaagga hawshiisa iskuulka, helida cuntada, daryeelada ilmaha gaaray da’da iskuulka ama wax kale oo adeeg ah oo uu bixinayo iskuulkaagu. Caawiada luqada ayaa la heli karaa markii la codsado.

La xiriir Waaxda Waxbarashada Minnesota (Minnesota Department of Education)
Hadii aad qabto su’aalo oo ku saabsan habraaca guri wax ku barashada ee iskuulka ama wax walaac ah oo ku saabsan iskuuladda. Caawiada luqada ayaa la heli karaa markii la codsado.

Hawlo xiiso leh oo Qoysasku la Samayn karaan carruurtooda

Minnesota’s Children’s Cabinet Resources (Soomaali)